DHAGEYSO:- Nabadoon Cali Diiriye oo baaq u diray Madaxda Puntland iyo Galmudug

0

Iyadoo weli xiisado colaadeed ay ka jiraan qeybo ka mid ah Goobolka Mudug gaar ahaa Galbeedka Magaalada Gaalkacyo ayaa waxgaradka labada dhinac waxa ay ku cel celinayaan in la joojiyo Dagaalada Gaalkacyo.

Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa weli waxa ay isku hor fadhiyaan Galbeedka Magaalada Gaalkacyo, waxaana waxgaradka ay ku baaqayaan Ciidamadaasi in la kala qaado, kadibna ay wada hadal isugu yimaadaan Guddiyo matalaya labada dhinac.

Nabadoon Cali Diiriye Aloore oo ka mid ah waxgaradka Gobolka Mudug ayaa sheegay xilligan wixii ka dambeeya Gaalkacyo in aysan xamili karin Dagaal labada dhinac u dhaxeeya.

Xaalada Magaalada Gaalkacyo ayaa maanta waxa ay tahay mid degan inkastoo weli la filan karo Dagaal maadaama weli labada dhinac ay is horfadhiyaan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-