DHAGEYSO:- Odayaasha gobolka Hiiraan oo mar kale ka soo horjeestay Shirarka gaar gaar ah ee ka soconayo Muqdisho iyo Jowhar

0

Siyaasiyiin, Odayaal, Waxgarad iyo Nabadoono Kulan ku yeeshay Magaalada Baladweyne ayaa si cad u sheegay in aysan aqbali doonin qodobada ka soo baxa Shirarka gaar gaarka ah ee ka soconayo magaalada Jowhar.

Waxa ay ka soo horjeesteen in Xildhibaanada Matalaya GOBOLKA Hiiraan lagu soo xulo Muqdisho laguna doorto isla magaalada Muqdisho.

Siyaasiyiin, Odayaal, Waxgarad iyo Nabadoono ayaa sidoo kale sheegay in aysan marnaba aqbali doonin ay ku biiraan gobolka Sh/Dhexe balse ay u baahan yihiin in gobolka Hiiraan uu noqdo Maamul u gaar ah.

Hoos ka Dhageyso Codka:-