DHAGEYSO:- Puntland oo guulo ka sheegatay dagaalkii ka dhacay Gaalkacyo, Kuna tilmaantay Galmudug iney yihiin Nabad diid

0

Maamulka Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaal khasaare badan geystay oo shalay Gelinkii dambe ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Wasiirka Howlaha guud iyo guriyeynta Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi  oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka maamulka Galmudug ay weerar kusoo qaadeen ciidankooda , islamarkaana ay iska difaaceen oo ay dib u riixeen waa sida uu sheegay wasiirka.

Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa sidoo kale sheegay  in uu khasaare kala duwan  uu geystay dagaalka ka dhacay Gaalkacyo shalay Gelinkii dambe.

Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa isku horfadhiya Galbeedka Magaalada Gaalkacyo, waxaana la sheegaya in ay qarka u saaran yihiin in ay isku dhacaan.

Shalay Gelinkii dambe ayaa magaalada waxaa ka dhacay dagaal culus oo ay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab u badan oo ku sugnaa xaafadaha magaalada Gaalkacyo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-