DHAGEYSO:- Puntland oo qirtay in Kooxda Daacish ay qabsadeen deegaanka Qandala ee Puntland

0

Kooxda Daacish  ayaa si buuxda ula wareegtay degmada  Qandala ee Gobolka Bari , ka dib weerar ay saaka kusoo qaaday deegaankaasi.

Gudoomiyaha degmada Qandala ayaa sheegay in Daacish ay qabsaday degmada Qandala ,islamarkaana ay iskaga baxeen ciidamadii maamulka Puntland ee halkaasi ku sugnaa.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in maamulka degmada ay iskaga carareen degmada ka dib markii kooxdaasi ay soo gashay inta badan xaafadaha Magaalada Qandala ee gobolka Bari.

Jaamac Axmed Khuurshe ayaa sheegay in kooxda daacish ay calankeeda ka taagatay inta badan xarumaha maamulka degmada Qandala ee gobolka Bari.

Dadka Deegaanka ayaa cabsi badan ay soo wajahday, waxaana dadka qaar ay ka barakaceen guryahooda.

Magaalada Qandala ayaa ka mid ah Magaalooyinka ugu muhiimsan Puntland , waana magaalo xeebeed Boosaaso u jirta 75 Km dhinaca bari.

Hoos ka Dhageyso Codka:-