DHAGEYSO:- Puntland ”Shaki nooga jiro in QM iyo AMISOM ku lug leeyihiin Dagaalka Gaalkacyo, waana ka Xun nahay

0

Wasiirka Degaanka Maamul Goboleedka Puntland Cali C/llaahi Warsame oo la hadlay Warbaahinta Degaanada Puntland ayaa sheegay in QM iyo AMISOM ay ku lug leeyihiin Colaadda ka jirta Magaalada Gaalkacyo.

Cali C/llaahi Warsame ayaa sheegay in Puntland ay la socoto Ciidamo AMISOM ah oo lageeyay Magaalada Cadaado,waxaana uu tilmaamay in Ciidamadii Xarumaha Galmudug ee Cadaado ilaalin jiray ay ku biireen Dagaalka Gaalkacyo islamarkaana QM ay wax ka og tahay Dagaalka Gaalkacyo.

Wasiirka u hadlay Puntland ayaa sidoo kale sheegay in Diyaarado QM ay leedahayay Hub ka Daabuleen Magaalada Muqdisho,kuwaas oo geeyay Galmudug.

Cali C/llaahi ayaa ugu baaqay  QM in ay Cadeyso Doorkeeda ah Dagaalka Magaalada Gaalkacyo.

Puntland ayaa horay Dolwadda Federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab ku Eedeysay Dagaalka Gaalkacyo in ay ku garab siinayaan Galmudug.

Hoos ka Dhageyso Codka:-