DHAGEYSO:- Saraakiisha Ciidamada Jabuuti oo ka hadlay Weerarkii ka dhacay Baladweyne

0

Taliyaha Ciidamada Jabuuti ee Somaliya, ayaa waxaa uu ka hadlay weerarkii ismiidaaminta ahaa, ee Shabaabku ku qaadeen xerada ay ku leeyihiin Galbeedka Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, ayaa barqanimadii maanta ku qarxay afaafka hore ee Xerada Ciidamada Jabuuti ku leeyihiin xaafadda Hawlwadaag, ka dib markii Ciidamada Jabuuti ay rasaas ku caabiyeen wadihii gaarigaasi.

Korneyl Xasan Jaamac Faarax, ayaa sheegay in gaari u muuqday mid lagu soo raray khudrad, uu daba maray meel u dhow xeradooda, laakiin uu soo rogaalceliyay, isagoo xawaare ku cararaya.

Taliyaha Ciidamada Jabuuti, ayaa sheegay askartooda inay rasaas ku furayn gaarigaasi, iyagoona dilay wadihii gaariga, isla-markaana uu ku qarxay meel 20 tallaabo u jirto xerada.

Taliyaha, ayaa ku waramaya in qaraxa ka dib ay weerar toos ah soo qaadeen 10 nin oo ka tirsan Ururka Al Shabaab, hase ahaatee ay ka hortaggeen askartooda.

Mar la weydiiyay khasaaraha askartooda ka soo gaaray weerarkaasi, ayuu sheegay in looga dilay 2 askari. Sida ay weerarkan u soo qorsheeyeen Shabaabku iyo khasaaraha ka soo gaaray Ciidamada Jabuuti, ayuu ku macneeyay wax kala fog.

Korneyl Xasan Jaamac Faarax, ayaa hoosta ka xariiqay in Shabaabku ay horey u qaateen meydadka raggii looga laayay weerarkaasi, sida uu yiri.

Korneylka oo la hadlaayay VOA, ayaa waxaa uu xaqiijiyay weerarkaasi ka dib inay Galbeedka Baledweyne ka sameeyeen hawlgal amni xaqiijin ah, isla-markaana ay ku soo qab qabteen dad ay la xiriirinayaan Al Shabaab, kuwaa oo hadda ay baaritaano ku wadaan.

Ururka Al Shabaab oo si rasmi ah u sheegtay masuuliyadda weerarkaasi, ayaa ku faanay inay ku dileen 17 ka mid ah Ciidamada Militariga Jabuuti, ee qaybta ka ah Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.

Hoos ka Dhageyso Codka:-