DHAGEYSO:- Taliyaha Booliska Hiiraan oo beeniyay in Nin Ciidanka Jabuuti kala baxeen Isbitaalka Baladweyne uu Al-shabaab ka tirsan yahay

0

Ciidamada Militariga Jabuuti ee qaybta ka ah Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, ayaa Shalay Gelinkii Danbe  hal nin kala baxay Isbitaalka Guud Baledweyne.

Ninkan oo dhaawac uu ka soo gaaray qaraxii Shalay lagu weeraray Xerada Ciidamada Jabuuti, ay ku leeyihiin xaafadda Hawlwadaag ee Galbeedka Magaalada Baledweyne, ayaa waxaa Isbitaalka Baledweyne loo keenay si loogu dabiibo.

Saraakiil katirsan Ciidanka Jabuuti ayaa Sheegay in ninkaasi la arkay isagoo ka degaaya gaarigii weerarka lagu fuliyay, ka hor inta aanu ku qarxin afaafka hore ee Xerada Ciidamada Jabuuti.

Taliya isaaq cali cabdulle oo sii hadlaya waxa uu dhinaca Kale tilmaamay in hada ay wadaan dadaalo lagu doonayo in loogu tago Ciidanka AMisom si loogu sheego ruuxa kexeyteen inuusan eheyn Qof kamid ah Al-Shabaab.

Hoos ka Dhageyso Codka:-