DHAGEYSO WAR CUSUB:- Odayaasha Galmudug”Xabadu Mudug waa ka soconeysaa, waana in Nolasha lagu Gubaa Qofkii laga qabto Puntland”.

0

Cabdullahi Cali Faarax Cunaaye oo ah mid ka mida Odoyaasha ka soo jeeda Gobolka Mudug Wareysi siiyey warbaahinta Galmudug ayaa sheegey in nabada Gaalkacyo ay mirif kurideen maamulka Puntland balse Galmudug ay ceel ku rideyso.

Cunaaye Ayaa sheegey inay galmudug muddo Badan Ku baaqeysay nabada Gobolka balse maamulka Puntland uu dhagaha ka fureystay sidaas darteena maanta Gaalkacyo Nabadeeda ay ku jirto Qori caaradiis waa siduu hadalka udhigay Mr. cunaaye.

Dhanka kale Canaaye ayaa soo hadal Qaaday maxaabiista dhawaan ay soo bandhigtay Galmudug waxaana uu soo jeediyey in nolosha lagu gubo rag la qabtay, Sida uu hadalka u dhigay.

“Raga la qabtay naago miyey soo doonteen, sow uma imaan inay dad laayaan, waa in la dilaa oo nolosha lagu gubaa, Puntland kuwa ay qabato waa dishaa” Ayuu yiri Cabullahi Cunaaye.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Dagaalka Gaalkacyo uu socon doono, isagoona si kulul u canaantay Madaxda Galmudug.

Arrintan ayaa baasiin hor leh ku sii shubi karta Dagaalada Gaalkacyo ee u dhexeeya Maamulada Galmudug iyo Puntland oo intii ay socdeen geystay Qasaaro nafeed oo aad u badan.

HALKAAN KA DHAGEYSO