DHAGEYSO WARBIXIN:- Caqabado intee la’eeg ayaa laga soo maray dhismaha Maamulka Hirshabelle

0

Horaanta bishii Janaayo ee sanadkaan 2016 ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu magaalada Jowharsi rasmi ah  kaga furay Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Furitaanka Shirk ka dib ayaa waxaa isbadalay sidii loo maleynaayay in lagu dhiso Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe maadaama Madaxda Dowladda, Beesha Caalamka iyo Siyaasiyiinta qaarkood ay qabeen in si fudud oo waqti yar ah lagu dhisi karo Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Waxaa soo baxay Caqabado badan oo keentay in uu hakad galo Shirka, waxaa Magaalada Jowhar ka tagay oo shirka isaga baxay Waxgarad iyo Odayaal matalaayay beelo ka soo jeeda labada gobol oo ay u badnaayeen kuwa ka soo jeeda Gobolka Hiiraan.

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa ka bilowday Shirar gaar gaar ah kuwaasi oo loogu soo horjeedo Shirkii ka soconaayay Magaalada Jowhar ee Maamulka loogu sameeyay Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda kale ayaa dhowr mar tagay Magaalada Baladweyne balse kuma aysan soo guuleysan in ay soo qanciyaan Waxgaradkii iyo Odayaashii diidanaa Xilligaasi Shirkkii ka soconaayay Jowhar.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale Muqdisho kula Kulmay Odayaasha, Siyaasiyiinta iyo Waxgaradkii diidanaa ka qeyb galka shirkii ka soconaayay Jowhar.

Arrinta ugu weyn ee Mudada Hakadka gelisay Shirka ayaa ahayd in Odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan ay doonaayeen in Gobolka Hiiraan laga dhigo labo gobol sidaasina Maamulka la sameynayo uu ku noqdo 3 Gobol oo ay ula jeedeen Hiiraan oo labo gobol ah iyo Sh/Dhexe.

Sidoo kale arrinta ay Odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan ay rabeen ayaa ahayd in Magaalada Baladweyne laga dhigo Magaalada Marti gelineyso Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Iyadoo Muranadaasi ay taagan yihiin ayaa Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu digreeto ku soo saaray in Magaalada Buula burde ay tahay Caasimada Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe, Magaalada Jowharna ay tahay Magaalada Marti gelineysa ama lagu qabanayo Shirka Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Digreetada ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa dhabar jab ku noqotay damacii Odayaasha dhaqanka ee Gobolka Hiiraan, waxaana halkaasi ka bilowday Caqabado.

Caqabadaha oo muddo soo jiitamaayay, ayaa sababay in Odayaasha IyoXildhibaanda Gobolka Hiiraan ay ku dhawaaqan inay sameysanayaan Maamul u gaar ah oo Gobolka Hiiraan kaliya ku kooban.

Damaca Odayaashaa reer Hiiraan iyo dadaaladii ay wadeen ayaa suuragal noqon waayey, markii uu hungoobay damacooda, isalmarkaana qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka reer Hiiraan la feker bedelay.

Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliya ayaa go’aansatay in la dar dargeliyo Shirka Jowhar oo Madaxweynaha uu dib u furay, iyadoo kuwa reer HIiraan ee Shirka diidan mooyee la keenayo kuwa kale oo beel ahaan Gobolkaasi ka soo jeeda oo metela Reer Hiiraan.

Sidaasi xaalka marka uu yahay oo Odayaasha Ugaas Xasan uu ka mid yahay ay diidan yihiin Shirka Jowhar, ayaa markaliya la baal tifay Odayaasha reer Hiiraan oo la kala furfuray,islamarkaana qaar ay soo raaceen Shirka Jowhar.

Dadaalo kala duwan kadib waxaa la dhisay Maamul la magaca baxay Hirshabelle oo caqabado aanan dhiig ku daadan laga soo maray dhismihiisa.

Maanta oo ay Taariikhda ku beegan tahay 22 Bisha Octoober Waxaa Magaalada Jowhar ka soconayo Xaflada Caleemo Saarka Madaxda Cusub ee Maamulkaasi.

Waxaa Xaflada ku sugan Siyaasiyiin, Waxgarad iyo Odayaal horay u diidanaa dhismaha Maamulka HirShabeelle.

Madaxweynaha Hirshabelle, ayaa hada caqabada haysata waxa ay tahay soo xulista Xubnaha Aqalka Sare ee Hirshabelle, iyo halka lagu dooranaayo Xildhibaanada Aqalka hoose ka soo galaayo Deeganadaasi ee Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

W/D:- Wariye Axmed Cabdi Cali

Hoos ka Dhageyso Warbixinta:-