DHAGEYSO WARBIXIN GAAR AH:- Dhismaha Xarunta Agoonta Ee Mama Orphan Ee Magaalada Caabudwaaq Oo Maanta Laga Dhagax Dhigay. (SAWIRRO)

0

Qaar kamid ah Caruurta Agoonta ee kunool Magaalada Caabudwaaq oo mar sii horeeysay loo Bilaabay Daryeel dhinac kale duwan ah oo ku saabsan helitaanka Baahiyahooda kala Duwan haba ugu Horeysee ka taageerida Dhinaca Waxbarashada ayaa waxay muddo badan wax ku baranayeen Dhismo Ijaar ama Kiro ah.

Dadaal Badan oo la Sameeyay waxaa lagu guuleestay in la yagleelo Dhismaha Xarun gaar ah oo loogu tala galay in wax lagu baro Caruurta.

Hadaba Waxaa Maanta Magaalada Caabudwaaq lagu qabtay Munaasabad ay ka qayb galeen Siyaasiyiin, Waxgarad, Odayaal, Masuuliyiinta Mac-hadka Agoonta ee Mama Orphan, maamulka Jaamacadda Galgaduud, Guddiga Garoonka Diyaaradaha iyo Qaybo kale oo Bulshada ah, waxaana munaasabadaasi ay ahayd mid lagu dhagax dhigay Dhismaha Xarunta waxbarashada Agoonta ee Mama Orphan.

Wariyaha Allgalgaduu Media uga soo Waramaya Wararka Waqooyiga Gobolka Galgaduud Cumar Laki Man ayaa Warbixintaan inooga Diyaariyay Munaasabadaasi.

 

 

Halkaan Hoose ka dhagayso Warbixinta:

ma ma1 ma2 ma3 ma4 ma5

dha dha1 dha2 dha3

ma7 ma9 ma10

dha4 dha5 dha6 dha7 dha8 dha9

 

Wariye Cumar Siciid Cabdiraxmaan (Laki Man)
Xafiiska Warqabadka Allgalgaduud Media
Caabudwaaq, Soomaaliya