DHAGEYSO WARBIXIN:- Khasaaraha ka dhashay Weerarkii Ismiidaaminta ee lala eegtay Ciidamada Jabuuti oo sii kordhaya

0

Wararka ka imanaya magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ugu yaraan saddex askari oo Jabuutiyaan ah iyo laba qof oo rayid ah ay geeriyoodeen, kadib markii gaari wax yaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu maanta weeraray saldhig ay ciidamada Jabuuti ee AMISOM ku leeyihiin xaafadda Howlwadaag ee magaalada Baladweyne. Weerarkaasi, ayaa waxa sidoo kale ku dhaawacmay sagaal qof oo kale.

Khasaaraha ciidamada Jabuuti waxaa VOA u xaqiijiyey ilo wareedyo dhinaca amniga ah oo ku suggan magaalada.

Baabuur weyn oo korka laga saaray balka ay xooluhu cunaan laguna soo qariyey waxyaabaha qarxa ayaa la abeegsaday saldhig ku yaalla xaafadda Hawlwadaag ee dhinaca galbeed ee magaalada Beledweyne oo ay maamulkaan ciidamada manad ilaalinta Jabuuti ee ka tirsan hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Fariimo la soo dhigay barta rasmiga ah ee Twitterka ee Amisom ayaa lagu sheegay in weerarka uu isugu jiray qarax ismiidaamin ahaa iyo rag 10 gaaraya oo hubeysan oo weerar ku qaaday xerada.

Weriye ka tirsan idaacadda VOA oo booqday goobta ayaa sheegay inuu arkay burbur soo gaadhay guryo ka ag-dhowaa goobta qaraxu ka dhacay.

Ururka Al-Shabab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkan lala beegsaday ciidamada nabad ilaalinta Jabuuti ee ku sugan magaaladaasi.

Jabuuti ayaa Soomaaliya ka joogaan ciidamo ka badan 2000 askari kuwaasi oo ka hawlagal gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyey qaraxa magaalada Beledweyne, waxaana uu tacsi u diray dhiggiisa dalka Jabuuti.

HALKAAN KA DHAGEYSO