DHAGEYSO WAREYSI GAAR AH :- Gudoomiyaha Ku Xigeenka Amniga Gobolka Hiiraan Axmed Inji "Ciidamada Itoobiya Waa Ka Baxeen Deegaanka Halgan".

0

Waxaa warar dheeraad ah kasoo baxaya bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee guud ahaan ay ka guureen Saldhigii ay deegaanka Halgan ku lahaayeen, ayna u jiheysteen dhanka xuduuda Somaliya iyo Itoobiya u dhaxeysa.

Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Hiiraan Axmed Inji oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Allgalgaduud ayaa waxa uu sheegay in ciidamada Itoobiya isaga baxeen deegaankaas.

Dhanka kale Dadka Deegaanka ayaa sheegay xalay oo dhan ciidamada Itoobiya inay wadeen dhaq-dhaqaaq ciidan iyo qalab uruursi, saakana mar kaliya ay ka baxeen deegaanka.

Ka hor ciidamada Itoobiya inta aysan ka bixin Deegaanka Halgan waxa ay gubeen Difaacyadii ay ku lahaayeen Deegaankaasi oo ay dab qabadsiiyeen si Ururka Al Shabaab aaney u isticmaalin marka ay soo galaan Magaalada.

Isku soo wada duuboo Xoogaga Al Shabaab oo markii horeba la socday dhaq-dhaqaaqyada kala duwan ee ay wadeen ciidamada Itoobiya ayaa durbadiiba qabsaday goobihii ay ka baxeen ciidama Itoobiya.

HOOS KA DHAGEYSO

Wariye Cumar Siciid Cabdiraxmaan (Laki Man)
Xafiiska Warqabadka Allgalgaduud Media
Caabudwaaq, Soomaaliya