DHAGEYSO WAREYSI GAAR AH :- Qaraxa Ka Dhacay Muqdisho Iyo Warar Kasoo Baxaya..

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho waxay sheegayaan in Caawa Fiidkii laga maqlay inta badan Degmooyinka Gobolka Banaadir dhawaqa Jug Xoogan oo ahayd Qarax aan wali la cadayn oo ka dhacay Nawaaxiga Daljirka Dahsoon oo ku taal Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.

Inta la xaqiijiyay Hal ruux ayaa ku geeriyooday 3 kalana way ku dhaawacmeen iyadoona warar is khilaafsan ay kasoo baxayaan Nuuca uu ahaa Qaraxa iyo Halka lala Damacsanaa.

Hadaba Wariye ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa Gowr dhaw uga waramay Faahfaahinta Qaraxaasi Wariyaheena Cumar Laki Man oo ku sugan xafiiska warqabadka Allgalgaduud Media ee Magaalada Caabudwaaq.

HOOS KA DHAGEYSO

Wariye Cumar Siciid Cabdiraxmaan (Laki Man)
Xafiiska Warqabadka Allgalgaduud Media
Caabudwaaq, Soomaaliya