DHAGEYSO WAREYSI:- Taliye Koofi “ Qurba Joogta dalka imaaneyso Cid dhibaato ku heyso malahan Laakiin baaritaanka iyo sharciga Garoonka ayay diidan yihiin”..

0

Hay’adda Socdaalka Dowladda Soomaaliya ayaa jawaab ka bixisay hadal kasoo baxay qurbo joogta Soomaaliyeed , kasoo ahaa in ay dhibaatooyin kala duwan ay kala kulmaan xilliyada ay kasoo degaayaan garoonka diyaaradaha Aadabn Cadde ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha laanta Socdaalka dowladda Soomaaliya Maxamed Aadan Koonfi ayaa sheegay in aysan  jirin culeys ay dowladda Soomaaliya ay saartay Qurbo joogta Soomaaliyeed ee kasoo laabanaya dalka Dibadiisa.

Taliye ayaa ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya uu xil kaa saaran yahay xaqiijinta ammaanka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo sidoo kale in la baaro macluumaadka ay wataan dadka Soomaaliyeed ee kasoo laabanaya dalka dibadiisa.

Maxamed Aadan Koofi ayaa beeniyay in dowladda Soomaaliya ay dadka qurbo joogta ah ay ku dhibto garoonka xilliyada ay kasoo deganaayaan.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga Taliya:-