DHAGEYSO WAREYSI XIISO BADAN:- Maxaa ka Cusub Dagaalka Magaalada Gaalkacyo?..

0

Dagaalkii u dhaxeeyay ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug ee ka socday Galbeed Magaalada ayaa joosaday , waxaana ka dhashay khasaaro isku jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa ahaa midkii ugu xooganaa ee ka dhacay Galbeedka Magaalada Gaalkacyo tan iyo markii ay bilowdeen Dagaalada u dhaxeeya ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug.

Madaafiic culus oo ay adeegsadeen labada dhinac ayaa waxa ay burbur xoogan gaarsiisay dhismayaal ku yaalla Waqooyiga iyo sidoo kale Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.

Inta la xaqiijiyay ku dhawaad 6 ruux ayaa ku dhimatay halka ay ku dhawaacmeen in kabadan 20 ruux.

Xaalada Magaalada ayaa Caawa Degan , waxaana mararka Qaar laga maqlaya xaafadaha magaalada Gaalkacyo rasaas rasaas goos goos ah oo ay ridayaan ciidamda maamulada Puntland iyo Galmudug.

Hoos ka Dhageyso Codka:-