DHAGEYSO WAREYSI XIISO BADAN:- Saraakiisha Ciidanka Dowladda oo sheegay iney Gedo ku dileen 10 Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab

0

Saraakiisha Ciidanka Militariga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay Dagaal ka dhacay Deegaan Duleedka ka ah Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo in ay ku dileen 10 Dagaalyahan oo ka tirsan Shabaab.

Dagaalkan oo dhacay xalay saqdii dhexe ayaa waxa uu u dhaxeeyay Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Kenya iyo Dagaalyahano ka tirsan Shabaab.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay Dagaalka in ay ka qeyb qaateen Diyaaradaha Dagaalka ee Kenya, kuwaas oo la arkayay in ay duqeynayeen fariisimo Shabaabka ay halkaasi ku lahaayeen.

Al-shabaab ayaa inta badan Gobolada Dalka waxa ay kula dagaalamaan Ciidanka Dolwdda Federaalka iyo kuwa AMISOMee qeybta ka ah Howlgalka Soomaaliya.

Hoos ka Dhageyso Codka:-