DHAGEYSO:- Wasiir Diini “Ciidanka Dowladda qeyb kama ahan Dagaalka Gaalkacyo, Puntland Wey qaldan tahay ha isa saxdo”..

0

Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa beeniyay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ay ka qeyb qaadanayaan Dagaalka Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

C/qaadir Sheekh Cali Diini Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay Ciidanka Xoogga Dalka waajibaadkooda in uu yahay sidii ay dalka u difaaci lahaayeen, balse aysan Ciidanka ku shaqo laheyn Beelo, iyo dad walaalo ah oo is diriray.

Wasiir Diini ayaa sheegay in wararka  la isla dhex marayay malmahaan uu yahay mid  fadhi ku dirir ah, haba yaratee aysan jirin Ciidamo ka tirsan Dowladda oo ka qeyb galay dagaal beeleedka ka socoda Magaalada Gaalkacyo.

General Diini ayaa ugu baaqay Maamulada Puntland iyo Galmudug ee ku dagaalmaya Magaalada Gaalkacyo in ay si shuruud la’aan ah Dagaalka u joojiyaan una turaan dadka sida nabadgelyada ah ugu wada noolaa Magaalada Gaalkacyo.

HOOS KA DHAGEYSO CODKA:-