DHAGEYSO:- Wasiirka Haweenka Soomaaliya oo ka hadashay Gabdhaha Waxbartay ee aan Shaqo heyn

0

Wasiirka wasaaradda Haweenka iyo xuquuqul insaanka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Sahra Maxamed Cali, ayaa ku baaqday in sare loo qaado wax barashada Gabdhaha si ay kaalintooda ugu qaataan horumarinta Bulshada.

Wasiirada ayaa sheegtay inay muhiim tahay wax barashada Dumarka maaddaama ay yihiin saldhiggii Qoyska.

Hadalkan lagu dhiirri gelinayo wax barashada Gabdhaha Soomaaliyeed ayaa imanaya xilli ay waayadan dambe aad ugu baraarugeen Haweenku iney ka dhex muuqdaan Bulshada, si ay door uga qaataan siyaasadda Dalka iyo horumarinta Bulshada.

Hoos ka Dhageyso Codka:-