DHAGEYSO:- Xasan Sheekh oo Fariin adag u diray Guddiga doorashooyinka

0

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan raali ka aheyn in uu dib u dhaca ku yimaada doorashada Soomaaliya markale.

Madaxweynaha dowladda faderaalka ah ee Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu sheegay in doorashada aysan mar kale dib u dhaci doonin oo xilligeeda la qaban doono.

Madaxweynaha waxaa kalo uu farrin u diray shacabka Soomaaliya oo u usoo jeediyay inay iska ilaaliyaan khilaafaadka, kala shakiga iyo cabsida dhexdooda ah, ayna u midoobaan in dalka ay ka dhacaan doorashooyinka dadban ee lagu heshiiyey si aloo abuuro kalsooni sal adag leh oo shacabka ka dhaxeeya.

Madaxweynaha ayaa hadalkan sheegay ka dib  markii uu shalay gaaray magaalada Jowhar  oo uu uga qeyb galey caleema saarka Madaxweynaha iyo sidoo kale madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle.

Hoos ka Dhageyso Codka:-