DHAGEYSO:- Xasan Sheekh “ Shacabka Somaliland Maamul goboleed gaar ah ayaa u sameyneynaa, Maqaamka Muqdishona waa la Cadeynaha Maalmaha soo socda”..

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in maamulka Hirshabeelle uusan aheyn maamul goboleedkii ugu dambeeyay ee laga dhisaayo Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho ay yeelan doonaan maamul gooni ah oo lagu qeexaayo maqaamka ay leedahay Caasimada Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku dadaali doono sidii maamul goboleed loogu sameyn lahaa gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Waxa uu sheegay in Nidaam dhismaha maamul goboleedyada uu sii socon doono tan iyo inta la xaqiijinaayo maqaamka Caasimada iyo sidoo kale maamulka gobolada Waqooyi loo dhisaayo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-