DHAGEYSO:- Xildhibaan Cismaan Boqore “ Waxaan diyaar u nahay hadaan nahay Siyaasiyiinta Somaliland inan ka tanaasulno Fikirkeenii iyo go’aankeenii hore”..

0

Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanada maamulka Somaliland oo la hadlay idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanada maamulka Soomaaliya in ay diyaar u yihiin in ay muujiyaan tanaasul in ay uga qeyb noqdaan dowladda Cusub ee laga dhisaayo Soomaaliya.

Cismaan Cilmi Boqore oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya , islamarkaana kasoo jeeda deegaanada maamulka Somaliland ayaa sheegay in siyaasiyiinta Somaliland aysan ku qanacsaneyn in gobolada Somalilnad laga siiyo xubnaha Aqalka Sare 11 xubnood , lakiin si loo badbaadiyo midnimada Soomaaliya ay diyaar u yihiin in ay tanaasulaan.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay go’aan ka sugaayaan hogaamiyeyaasha Madasha Wadatashiga Qaran , islamarkaana ay taageeri doonaan go’aamada ay Soo saaraan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-