DHAGEYSO:- Xildhibaan Ubax Tahliil “ Dowladu Waa in Askartii lagu dhaawacay duqeyntii ka dhacday duleedka Gaalkacyo ay u qaadaan Dalka dibaddisa si ay u helaan daryeel Caafimaad oo dibadda ah”..

0

Xildhibaan Ubax Tahliil Warsame oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo Jeedaa deegaanada Galmudug ayaa Madaxda Dowladda ugu baaqday in ay. Caafimaad dibada ah u qaadaan Askartii Galmudug ka tirsaneyd eek u dhaawacmay duqeyntii ka dhacday duleedka Gaalkacyo.

Xildhibaanada ayaa sheegtay in ay aad ugu xun tahay in Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho aan lagu soo dhaweyn sidoo kalena aan lagu booqan isbitaalkii la geeyay dhawacyadii laga keenay Magaalada Gaalkacyo.

Waxa ay Dowladda ku eedeysay in aysan ka war qabin xaqa ay leeyihiin Askartii lagu dilay iyo kuwii lagu dhaawacamay Duqeyntii Magaalada Gaalkacyo.

Xildhibaan Ubax Tahliil Warsame ayaa fariin adag u dirtay Saraakiisha iyo Ciidanka Mareykanka ee Jooga Magaalada Gaalkacyo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-