Dhulgariir ku dhuftay Talyaaniga iyo Khasaare ka dhashay

0

Laba dhulgariir oo culus ayaa waxa ay ku dhufteen badhtamaha waddanka Talyaaniga, xudunta dhulgariirkuna waxay ahayd magaalada Macerata ee gobolka Marche.

Dhulgariirkan ugu dambeeyay ayaa dhacay laba bilood uun kaddib markii dhulgariir xoog badani uu burburiyay dhowr magaalo iyo tuulooyin ku dhaw gobolkan uu haatan ku dhuftay, waxaana ku dhintay ku dhawaad 300 oo qof.

Dhulgariirka labaad ee isla goobta ku dhuftay aad buu uga xooganaa kii hore. mid ka mid ah dadkii goobjoogga ahaa ayaa u sheegay telefishan Talyaani ah in uu arkay guryo dumayey oo uu toos u eegayay markay isku fadhiisteen. Shaqaalaha gargaarka ee ka hawlgalaya goobaha mashaqadu ka dhacday ayaa weli qiimaynaya khasaaraha dhacay inta uu leegyahay.

Ilaa haatan wax dhimasho ama dhaawac halis ah lama soo sheegin. Dugsiyada gobolka oo dhan ayaa maanta oo khamiis ah wada xidhaan doona, dadka oo aad uga baqaya inay guryahooda ku noqdaan oo ay u hoydaanna waxa lagu hayaa goobo hoy loogu talo galay ah oo loo diyaariyay.

Maamulka maxalliga ah ayaa iyaguna dadka ugu baaqay in ay is dejiyaan laakiin dadka gobolka degan welli cabsi badan baa ka muuqata. Dhulgariirkani wuxu ku dhuftay laba bilood uun ka dib markii mid hore oo ka dhacay meel aan sidaa uga fogayn ay ku dhinteen ku dhawaad 300 oo qof magaalooyin iyo tuulooyinna burbur badani ka soo gaadhay. Habeenkii xalay ahaa waxa laga dareemay dalka oo dhan dhulgariir aan sidaa u sii xooganayn oo saameeyey laga bilaabo Trieste oo woqooyiga ku taal ilaa Naples oo xaggga koonfuree ah.