Dowladda Gambia oo ka baxaysa maxkamadda ICC

0

Dowladda Gambia ayaa sheegtay in gabi ahaanba ay ka baxayso maxkamada dambiyada adduunka ee Hague.

Gambia ayaa ku tilmaantay maxkamaddaasi dambiyada mid u taagan dadka Afrikaanka ah oo kaliya.

Tallaabada ay dowladda Gambia qaaday waxaa ka horreeyay dowladaha Koonfur Afrika iyo Burundi oo iyagana sheegay in ay ka baxayaan maxkamadan.

Madaxweynaha dalka Gambia ayaa dalkaasi xukumayay tan iyo sanadkii 1994, xilligaasi oo uu xukun milateri uu ku qabsaday.

Bisha December ayaa lagu wadaa in dalkaasi Gambia ay doorasho ka dhacdo, waxaana jirtay in la xiray xubnihii mucaaradka.

Xubnahan mucaaradka ayaa lagu eedeeyay in ay ka qayb galeen dibadbaxyo aan sharci ahayn.

Hay’adaha xuquuqul insaanka ayaa xariga mucaaradka ku tilmaamay mid xadgudub ku ah xuquuqal insaanka.