Dowladda Mareykanka oo ka naxsatay Itoobiya, Hal Arrina ugu baaqday

0

Dowladda Maraykanka ayaa si lama filaan ah qalbi jab ugu riddey dowladda Itoobiya oo markii hore si aad ah u taageersanaan jirtay, taasi oo halis u keeni karta xiriirka Labada dalka.

 

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Maraykanka ayaa loogu digey muwaadiniinta dalkaasi in ay u safraan Itoobiya, amniga dalkaasi oo aan wanaagsaneyn.

 

Waxaa loo sheegay shacabka Maraykanka in saafaradooda Itoobiya aaney hadda awoodi karin in dadkeeda ay siiso dhammaan adeegyada ay u baahan yihiin sababo amni darteed.

 

Amxaarada Iyo Oromada gobollada ay ka degaan  Itoobiya waxaa ka jira mudaaharaadyo rabshado wata, waxaana qalqal ku jira amniga guud ee Itoobiya.