Dowladda Turkiga oo ku Hanjabtay iney galeyso dagaalka ka soconayo Magaalada Mousil

0

Dowlada Turkiga ayaa sheegaysa in aysan bannaanka ka joogi doonin dagaal ka dhanka ah kooxda daacish ee la doonayo in looga saaro magaalada Mowsil ee dalka Ciraaq.

Ra’iisulwasaaraha Turkiga Binali Yildirim ayaa sheegaya in ay muhiim tahay in dowladiisu ay qaado tallaabo ay dagaalka uga qayb galayso.

Turkigu waxuu sheegayaa in dowlada Ciraaq iyo Maraykanka aysan ka soo bixin ballankoodii ahaa in dagaalka aysan ka qayb qaadan Kurdiyiinta iyo maleeshiyada shiicada.

Magaalada Mowsil ayaa waxaa ku wajahan dagaal lix maalmood qaatay oo ka dhan ah kooxda Khilaafada Islaamka.

Waxaana jirta cabsi laga qabo in kooxaha shiicada ah ay magaaladaasi ka gaystaan xasuuq ka dhan ah dadka sunniyiinta ah.

Mowsil ayaa waxaa ku nool muslimiin sunniyiin ah, waxa ayna colaad weyn kala dhaxaysaa shiicada Ciraaq oo u badan ciidanka dowlada garabka siinaya.