Duulaanka Mosul oo sii xoogeysanaya

0

Ciidanka Ciraaq iyo xulafadiisa ayaa kusii durqaya magaalada Mosul ee uu gacanta ku hayo ururka isku magacaabay dowladda Islaamiga.

Taliyayaasha ciidankaasi ayaa sheegay in ay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Bartella ee u dhaw Mosul.

Waxa ay sheegeen in diyaaradaha qumaatiga u kaca ee qoryaha ay ku rakin ban yihiin ay ka qeyb qaateen dagaalkaasi.

Xooggaga dowladda Islaamiga ayaa gawaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay u adeegsaday iska caabinta weerarkaasi, ka hor inta aan laga adkaan.

Waxaa lagu soo warramayaa in dagaalyahannada ururkaasi ay dab qabad siiyeen warshad kiimikada samaysa oo ku taalla koonfurta Mosul.

Dab noocaasi ah oo sanadkii 2003 ka kacay warshadaasi ayaa waxa uu gubanayay muddo todobaadyo ah, waxaana uu hawada u diray cadad badan oo ah gaaska sulphur dioxide.