TOOS U DHAGEYSO:-Faah faahino dheeraad ah oo ka soo baxay Qarax ka dhacay Muqdisho

0

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Qaraxii caawa ka dhacay wadada Daljirka Daahsoon ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa loo adeegsaday Gaari walxaha Qarxa lagu soo xiray, kaas oo ku Qarxay goob Goomiiste ah oo ku taalla Dalcada wadada Daljirka Daahsoon ee Magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyay 1 Qof ayaa ku geeryoodey, waxaana ku dhaawacantay 3 Qof oo kale.

Gawaarida Dab damiska ayaa gaaray goobta uu ka dhacay Qaraxa ka dhacay, waxaana ay ku guuleysteen daminta dabkii ka dhashay Qaraxa.

Ciidanka Amaanka iyo Maamulka Degmada ayaa gaaray goobta uu Qaraxa ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka wadaan baaritaano ku aadan sida ay wax u dhaceen.

 

 

HOOS KA DHAGEYSO