Faah faahino dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaalkii dib ugu bilowday Magaalada Gaalkacyo

0

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha dagaalka ka socda Galbeedka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.

Dagaal xooggan ayaa ka socda Magaalada Gaalkacyo , waxaana lagu soo waramaya in isbitaalada Koonfur iyo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo lagu soo daabulaayo dhaawacyada iyo sidoo kale Meydadka aad u farabadan.

Madaxda isbitaalada Koonfurta iyo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo oo aan qadka taleefanka kula xariirnay ayaa  inoo sheegay in ay jiraan dhaawacyo sidoo kale Meydad la keenay isbitaalada Magaalada Gaalkacyo.

Kudhawaad 13 qof oo dhaawac ah ayaa la keenay isbitaalada Koonfurta iyo sidoo kale Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo .

Sidoo kale Meydadka ayaa  lagu soo waramaya in ay gaarayaan ku dhawaad 5 qof oo ah labada dhinac ee ku diriraayaa Galbeedka Magaalada Gaalkacyo.