Faah faahino ka soo baxaya Qarax Xoogan oo ka dhacay Kismaayo

0

Waxaa Xalay Lagu Weeraray Ciidan Boolis ah Magaalada Kismaayo Ee Gobolka Jubada Hoose iyo Rasaas Laga Maqlaya Magaaladaasi Qaraxa Kadib.

Qarax Bambaanada Gacnata Laga Tuuro ayaana markii Hore laga Maqlay Fariisinta Ciidanka waxaana Xigay Rasaas ay Dableyda Hubeysan iyo Ciidanka Amniga Isweydaarsadeen.

Kooxdii Qaraxaasi ka dambeysay ayaa iskaga Baxsaday Meesha waxaana Ciidanka Jubbaland ay Isla Xalay Howlgal Ballaaran ka sameeyeen Xaafadaha Magaalada Kismaayo.

Faah faahinada Hordhac ah ayaa sheegaya in Waxyeelo Kala duwan ay soo gaartay Ciidanka La Beegsaday Balse aan tiradooda la ogaan Karin.

Sikastaba Maamulka Jubbaland ayaa la daalaa dhacaya sidii uu uga Adkaan Lahaa Shabaabka Jubbooyinka Intiisa badan ka Taliya oo Kismaayana Amni darada mararka qaar ka geysta.