DHAGEYSO:- Kenya Oo Furtay Albaab Ay Ku Dhacdo Soomaalida ku nool dalkeeda

0

Maamulka Degmada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa sheegay in ay  jiraan xogo ay heleen ciidanka ammaanka dowladda Kenya , kuwaa soo ku aaday in qaar ka mid ah ganacsatada gobolka Waqooyi Bari ay taageero u fidiyaan xarakada Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Booliska degmada Mandera Fredrick Shisia oo la hadlaayay warbaahinta ayaa sheegay in ay ganacsatada uga digaayaan in ay sii wadaan falkaasi.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan ganacsato ay ku wadaan baaritaano, kuwaa soo lagu tuhmaayo in ay taageero dhaqaale ku taageereen Xarakada Al-Shabaab ee ka dagaalanka gudaha dalka Soomaaliya.

Fredrick Shisia ayaa digniin culus u diray Ganacsatada kunool gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya , waxaana uu sheegay cidii lagu helo in ay taageerayso Al-Shabaab in ay ka qaadi doonaan tilaabo waafaqsan Sharciga.

” Waxaan ka digeynaa in la taageero Al-Shabaab , arintaasi ma aqbali doono ciidii lagu helana waxa ay muteysan doontaa ciqaab culus” ayuu yiri Fredrick Shisia

Taliyaha ciidanka degmada Mandera  ayaa sidoo kale yiri ”  Qofkaste oo lagu helo in uu la xariiray Al-Shabaab, waa la xiri doonaa waana la maxkamadeyn doonaa.

Hoos ka Dhageyso Codka:-