Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo Soomaalida Qurbaha ka imaaneyso Lagu Bahdilo iyo go’aano adag oo ay ka qaateen arrintaasi

0

Garoonka diyaaradaha Aden Cade ee Muqdisho ayaa waxaa ka jirta Kala sooc lagu Sameeyo Dadka Soomaaliyeed xilliga ay kasoo deggaan Garoonkaasi Magaalada Muqdisho.

Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa si gaar ah ugu adkeysa Soomaalida Qurba Joogta ah Ee Baasaboorka Ajnabiga wata oo lacagana ka qaata.

Warsaxaafadeed kasoo baxay qaar ka mid ah Gole ay Qurba Joogta Soomaaliyeed ku midoobeen ayey ku sheegeen in ay ka cabanayaan tixgelin inaysan helin markay Aden Cade kasoo deggaan.

Waxay sheegeen Qurba joogta in Dastuurka Soomaaliya u ogol yahay labo jinsiyad inay qaadan karaan hase ahaatee Laanta Socdaalka Jinsiyadaha Soomaaliya aysan ku dhaqmin Dastuurka.