Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka oo sheegay in Xubno Kor joogto ah ay u direen Goobaha ay Doorashooyinku ka dhacayaan

0

Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya ayaa Maanta sheegay in Goobaha lagu qabanayo Doorashooyinka gaar ahaan Caasimadaha Maamul Goboleedyada ay u direen Guddi Kor joogta ah oo la socon doona sida ay  wax u dhacayaan.

Guddiga ayaa sheegay in Mid Saddex Xubnood ay u direen Goobaha ay ka dhaceyso Doorashooyinka islamarkaana ay la socon doonaan Qaabka Doorashada loo wado iyo Natiijada ka soo baxdo.

Guddiga Khilaafaadka Doorashooyinka dadban ayaa waxaa Magacaabay Madashada Hogaanka Qaran.