HAMBALYO HAMBALYO:-Sanad Guurada 47-aad Ee Kacaanki Barakeysnaa Ee 21 Oktoobar Iyo Heesteeni "Waabaa Baryay".

0

Warbaahinta Caalamiga ah ee Allgalgaduud Media ayaa waxa ay hawada u marineysaa Dhamaan Ummada Soomaaliyeed gaar ahaan Akhristeyaasheeda sharafta leh HAMBALYADA Sanad guuradi 47-aad ee Dowladdi Kacaanka Barakeysnaa ee 21-10-2016 oo ku aadan maanta, Maalintaas oo ku Wayn dhamaan Ummada Soomaaliyeed gaar ahaan inta ah Wadaniyiinta dhabta ah ee neceb Gumeysiga iyo u adeegida Gumeystaha Qurmuun, islamarkaana jecel Xornimada, Midninada iyo Qarannimada Soomaaliyeed.

Taariikhda iyo Waxqabadki Dowladdi Kacaanka Barakaysnaa ee uu Hogaaminayay Allaha u Naxariistee Madaxweyne Maxamed Siyaad Bare ayaa hadaan dhahno waan ka sheekeenaynaa waxaa lagu soo koobi karin Sheegitaan Maalmo, Sanado, Maqal, Muqaal iyo weliba Qoraalo.

Mar labad Waxaan u direynaa Dhamaan Ummada Soomaaliyeed gaar ahaan akhristeyaasheena sharafta leh Hambalyo ku aadan dabaal daga iyo faraxada Sanad guurada 47-aad ee kasoo wareegtay curashadii Dowladdi Kacaanki Barakanysnaa, waxaana leenahay ku dabaal daga sanad walba Farxad, Nabad iyo Horumar waara meel walba oo aad joogtaan.

 

 

HOOS KA DHAGEYSO” Hambalyadeena”

xhks

JAALLEYAAL GUMEYSIGA WAA QURMUUN YAHAY, SOOMAALIYA SOOMAALI BAA LEH!