HAMBALYO HAMBALYO:Sanadguurada 47-aad Ee Kacaanki Barakeysnaa Ee 21 Oktoobar Iyo Heesteeni "Oktoobareey Adigaa Lahaa"

0

Warbaahinta Caalamiga ah ee Allgalgaduud Media ayaa waxa ay hawada u marineysaa Dhamaan Ummada Soomaaliyeed gaar ahaan Akhristeyaasheeda sharafta leh HAMBALYADA Sanad guuradi 47-aad ee Dowladdi Kacaanka Barakeysnaa ee 21-10-2016 oo ku aadan maanta, Maalintaas oo ku Wayn dhamaan Ummada Soomaaliyeed gaar ahaan inta ah Wadaniyiinta dhabta ah ee neceb Gumeysiga iyo u adeegida Gumeystaha Qurmuun, islamarkaana jecel Xornimada, Midninada iyo Qarannimada Soomaaliyeed.

Taariikhda iyo Waxqabadki Dowladdi Kacaanka Barakaysnaa ee uu Hogaaminayay Allaha u Naxariistee Madaxweyne Maxamed Siyaad Bare ayaa hadaan dhahno waan ka sheekeenaynaa waxaa lagu soo koobi karin Sheegitaan Maalmo, Sanado, Maqal, Muqaal iyo weliba Qoraal.

Mar labad Waxaan u direynaa Dhamaan Ummada Soomaaliyeed gaar ahaan akhristeyaasheena sharafta leh Hambalyo ku aadan dabaal daga iyo faraxada Sanad guurada 47-aad ee kasoo wareegtay curashadii Dowladdi Kacaanki Barakanysnaa, waxaana leenahay ku dabaal daga sanad walba Farxad, Nabad iyo Horumar waara meel walba oo aad joogtaan.

 

HOOS KA DHAGEYSO ” Hambalyadeena”

JAALLEYAAL GUMEYSIGA WAA QURMUUN YAHAY, SOOMAALIYA SOOMAALI BAA LEH!