Hay’adda UNICEF oo ka walaacsan xaaladda Carruurta Magaalada Calais

0

Hay’adda Qamada Midoobey ee sanduuqa badbaadada carruurta ee UNICEF ayaa ugu baaqday dowladda Britain in si deg deg ah loo daad gureeyo carruurta qaxootiga ah ee aysan la socon waalidiintooda ee ku jira xerada muhaajiriinta ee ku taala woqooyiga Faransiiska.

Unicef waxa ay sheegeysaa in hadalka madaxweynaha Faransiiska ee Hollande ee ahaa in xeradaasi oo u dhow magaalada Calais, ay tahay in la xiro, arrintaa oo sababi karta bey tiri in carruurta halkaasi ku jirta ay baxsadaan oo la waayo meel ay aadeen.

Hay’addan ayaa intaasi ku dartay in xaaladda ay ka digeyso mid la mid ah ay dhacday kal hore sanadkan kaddib markii la burburiyay qaybo ka mid ah xeradan muhaajiriinta.

Hay’adaha samafalka ayaa saadaalinaya in ku dhawaad 200 oo carruur ah oo ku nool xeradaasi ay u xaq u leeyihiin in ay Britain galaan.

Xigasho BBC