Jilaa Soomaaliyeed oo Caan ah oo geeriyooday

0

Waxaa magaalada Kambala ee Dalka Uganda ku geeriyooday ALLAHA u naxariistee Marxuum C/salaan Yuusuf Jiimi oo ka mid ahaa jilayaasha ku caan baxay Riwaayadaha Banaadiriga.

 

Marxuumka ayaa u geeriyooday xanuuno mudooyinkan soo wajahay sida ay sheegeen xubno ka tirsan eheladiisa.

 

Wararka ayaa sheegaya in marxuum C/salaan Jiimi uu Magaalada Kambala u joogay safar uu uga ambabixi lahaa Dalka Maraykanka kaasoo ay ka shaqeysay xaaskiisa oo ah fanaanadii caanka ah Jiida Shiikh Bashiir (Kosta) oo muddo dheer wadankaas ku nooleyd.

 

Marxuum C/salaam Jimi ayaa Atooraha koowaad ka ahaa Riwaawado Banaadiri ah oo si weyn looga daba dhacay, kuwaasoo xiligii berisamaadkii lagu soo bandhigay tiyaatarka Qaranka, waxaana ka mid ahaa riwaayadii (Sharaxii la tumaayey sheekaa ka dambeysay)..(Ibna Aadan iswaayey arinaa kala geysay) iyo riwaawado kale oo badan, isagoo markii dambe ku biiray kooxdii fanka ee Banaadir Star.

 

Asxaabtii ay fanka iskula jireen C/salaam Jimi ayaa sheegay in marxuumku uu fanka isaga baxay wixii ka dambeeyey markii ay dhacday dowladii milateriga aheyd, dalkana ay curteen dagaalada sokeeye, isagoo la noolaa qoyskiisa oo degen degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

jiimi