DHAGEYSO:- Kenya oo Nin Soomaali ah ku xukuntay 80 Sano oo Xabsi ah

0

Maxkamad ku taalla Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa shalay waxaa ay 80 Sano oo xabsi ah ku xukuntay C/Risaaq Mukhtaar Caddow,kaas oo ay Kenya ku eedeeysay in uu xiriir la leeyahay xarakada Al-shabaab.

Garsooraha Maxkamadda  Joyce Gandani,ayaa meesha ka saaray in C/Risaaq uu xubin ka yahay Al-shabaab,hayeeshee uu yahay taageere rasmi ah oo dhaq dhaqaaq fiican ku leh gudaha xarakadaAl-shabaab.

C/Risaaq oo 24 Jir ah ayaa la xiray Bishii june ee Sanadkii 2014kii,waxaana laga soo qabtay Gobolka Masai Mara.

Dacwad oogaha ayaa C/Risaaq ku eedeeyay in uu xiriir joogto ah la lahaa Sheekh Xasan Ilyaan Balaki,oo ay Booliska Kenya ku dileen Magaalada Mandheera 2014kii,kaas oo Al-shabaab ka tirsanaa sida ay sheegtay Maxkamadda.

C/Risaaq,markii la qabanayay waxaa uu ku shaqeeysanayay Gaari nooca raaxada ah,waxaana shaki laga qaaday kadib la qabtay isaga oo Gaarigiisa ku wada 8 Qoryaha Garneyllada loo yaqaan,markaas oo sida ay Maxkamadda sheegtay u waday Xarakada Al-shabaab.

Hoos ka Dhageyso Codka:-