Madaxweynah Puntland oo isugu yeeray saraakiisha amniga iyo Hal Arrin oo soo korortay

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa shir deg deg ah Magaalada Boosaaso kula leh Saraakiisha Ciidamada nabadgalyada ee Maamulka Puntland.

C/wali Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa saraakiisha amniga iyo Taliyeyaasha Ciidanka waxa uu kala hadlayaa xaalada Degmada Qandala ee Gobolka Bari, oo barkhanimadii maanta ay la wareegeen Dagaalyahano ka tirsan Daacish.

Madaxweyne Gaas ayaa la sheegay ujeedka ugu weyn ee saraakiisha amniga uu isugu wacay in ay tahay sidii kooxda Daacish looga saari lahaa Degmada Qandala, waxaana la diyaariyay Ciidamo ka tirsan Puntland, kuwaas oo aadi doona Qandala.

Magaalada Qandala ayaa ka mid ah Magaalooyinka ugu muhiimsan ee Puntland, waana Magaalo xeebeed Boosaaso u jirta 75 KM dhinaca Bari.