DHAGEYSO WAREYSI:- Madaxweynaha Cusub ee Maamulka HirShabeelle oo Maanta Jowhar lagu Caleemo saarayo

0

Waxaa lagu wadaa in maanta oo Sabti ah Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe, lagu caleemo saaro Madaxda cusub ee Maamulka Hirshabelle, kuwaasi oo lagu doortay Magaalada Jowhar todobaadkii aan soo dhaafnay.

Ammaanka Magaalada Jowhar ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana suggaya ammaanka ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda Federalka Somaliya oo aad u fara badan.

Madax kala duwan ayaa la filayaa inay ka qaybgalaan caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Maamulka Hirshabelle iyo ku xigeenkiisa oo maanta ka dhaceysa Magaalada Jowhar.

Madaxweynaha cusub ee Maamulka Hirshabelle Cali C/laahi Cosoble, ayaa shalay Magaalada Baledweyne kula kulmay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo aanan la kala cadeyn karin inuu ka qaybgalaayo Xaflada Caleemo saarka Madaxda Hirshabelle iyo in kale.

Maamulka Hirshabelle ayaa noqday maamulkii ugu dambeeyay ee ay dhisto Dowladd Federalka Somaliya, iyadoo xubnaha Maamulkaasi laga sugaayo inay keenaan shaqsiyaadkii u matali lahaa Aqalka Sare ee dalka.

Hoos ka Dhageyso Wareysi Wariye Jowhar Jooga aan la yeelanay:-