Mareykanka oo Ruushka u diiday in uu kormeero doorashadiisa ka dib markii ay Hal Arrin ogaatay

0

Waaxda arrimaha dibadda ee mareykanka ayaa ku gacan seyrtay codsi ka yimid Ruushka oo ahaa in uu ka mid noqdo kormeerayaasha doorashada madaxtinimada ee saddex gobol oo ka tirsan mareykanka.

Ruushka ayaa codsaday in uu kormeero doorashada gobolada Oklahoma, Texas iyo Louisiana.

Qunsulka guud ee Ruushka ayaa codsaday in loo ogolaado in gobolladaasi ay u dirsadaan wakiillo kormeerayaal ka noqonaya doorashada si ay wax uga bartaan, waaya aragnimana uga qaataan qaabka doorashada ee mareykanka.

Dhammaan saddexdaasi gobol ayaa ku gacan seyray codsigaasi ka yimid Ruushka.

Gobolka Oklahoma ayaa sheegay in sharciga gobolkaasi uu mamnuucayo in maalinta codbixintu ay goobaha codbixinta ku sugnaadaan dad aan ka ahayn saraakiisha doorashada iyop dadka codkooda dhiibanaya.

Mareykanka ayaa dhawr jeer oo hore ku eedeeyay xukuumadda Moscow weerarro dhawr ah oo dhanka intarneedka ah, kuwaasi oo sida ay sheegtay looga gollahaa sidii loo carqaladeyn lahaa ololaha doorashada madaxtinimada ee mareykanka. Ruushka waa beeniyay dhammaan eedeymahaasi mareykanka.

Xigasho BBC

ruushka-iyo-mareykanka