Masar oo Soomaaliya ka taageereysa la dagaalanka Argagixisada

0

Dowladda Masar ayaa shaaca ka qaaday la Dagaalanka Argagixisada in ay ka taageeri doonto Dowladaha kala ah Soomaaliya, Kenya iyo Pakistan.

Wasaarada Arrimaha Dibadda Dowladda Masar ayaa ugu horeyn waxa ay cambaareysay weeraradii todobaadkan gudahiisa ka dhacay Magaalooyinka Beledweyne, Mandheera, iyo Dalka Pakistan.

Dowladda Masar ayaa sheegtay Soomaaliya, Kenya iyo Paskistan in ay ka taageeri doonto wax walbo oo ay uga hortagi karaan weerarada mararka qaar uga yimaada Argagixisada.

Waxa ay sheegtay in ay xoojin doonto taageerada ay siinayso Seddaxdan dal, oo mudooyinkii ugu dambeeyay la kulmayay weeraro kaga yimaada Argagixiisada, waxaana ay ku baaqday in meel looga soo wada jeesto la dagaalanka Argagixisada.

Ugu dambeyntii Dowladda Masar ayaa shacabka Dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Pakistan ugu baaqday in ay garab istaagaan Ciidanka Amaanka, si looga hortago weerarada mararka qaar ka yimaada Argagixisada, logana guuleysto.