Maxkamad ku taalla Dalka Mareykanka oo dambi ku heshay Haween Soomaaliyeed iyo Muran ka dhashay

0

Maxkamad ku taalla dalka Mareykanka ayaa mar kale waxaa kasoo hor muuqday haween Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay in ay gacan saar la leeyihiin Xarakada Al-Shabaab ee ka dagaalanta Geeska Afrika.

Muno Cusman Jamaac, oo ah 36 sano jir  , iyo Hinda cusman Dhirane, oo 46 sano jir ah ayey Maxkamada bariga gobolka Virginia ee dalka Mareykanka ku heshay danbi ah in ay taageero u fidiyaan Xarakada Al-Shabaab , islamarkaana ay lacag badan  ay u soo direen gudaha dalka Soomaaliya.

Haweenka ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay abaabuleen koox haween ah , kuwaa soo ku sugnaa meelo kala duwan oo  Calaamka ah , islamarkaana ay soo aruuriyeen dhaqaalo lagu taageeraayo Al-Shabaab.

Muna Cusman Jama, oo ka mid aheyd Soomaalida degan magaalada Reston ee gobolka Virginia, iyo Hinda Cusman Dhiirane, oo daganayd degmada Kent ee gobolka Washington, ayaa labaduba la xiray bishii July ee sanadki 2014, isla waqtigaas waxaa la xiray Gabar lagu magacaabo  Farxiyo  Xassan oo ay xabsiga u taxaabeen booliska dalka Holland , Waxaana lagu eedeeyay in ay ka mid aheyd kooxda ay abaabuleen haweenkaasi.

Xukunka ugu dambeeya ee labadani haween ee asalkoodu Soomaaliga yahay ayaa lagu wadaa inuu dhaco bisha Janaayo ee sanadka soo aadan.

Dalka Mareykanka ayaa inta badan waxaa lagu Maxkamadeyaa haween Soomaaliyeed iyo sidoo kale dhalinyaro lagu eedeeyay in ay taageero u fidiyeen Al-Shabaab.