Midowga Afrika oo ku baaqay in la xoojiyo la dagaalanka Shabaab

0

Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Guddoomiyaha Afrika Francisco Caetano Madeira ayaa war Qoraal ah oo uu soo saaray waxa uu kaga hadlay Howlgalka Ciidanka AMISOM ay ka wadaan Soomaaliya.

Wuxuu sheegay Howlgalka Ciidanka AMISOM ay ka wadaan gudaha Soomaaliya in hada uu marayo meel wanaagsan, sidoo kalena loo baahan yahay in la xoojiyo, si looga guuleysto Shabaab.

Francisco Caetano Madeira Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Guddoomiyaha Afrika ayaa wuxuu Ciidanka AMISOM ugu baaqay in ay xoojiyaan Dagaalka lagula jiro Shabaab si looga hortago weerarada ay mararka qaar geystaan, isagoo sidoo kale Tacsi u diray Askartii iyo shacabkii ku geeryoodey weerarkii Magaalada Beledweyne.

“Waxaan ugu horeyn Tacsi u dirayaa dhamaan Askartii iyo shacabkii ku geeryootey weerarkii Magaalada Beledweyne ee Shabaab ay ku qaadeen saldhiga AMISOM, ay halkaasi ku  leeyihiin, waxaan Ciidanka AMISOM ugu baaqayaa in ay xoojiyaan la dagaalanka Argagixisada” Ayuu yiri Mr. Madeira.

Al-shabaab ayaa sare u qaaday weerarada ay la beegsanayaan fariisamaha Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaana ay horey u sheegeen in ay carqaladeyn doonaan Doorashooyinka sanadkan la filayo in ay dalka ka dhacaan.