Midowga Yurub oo bayaan kulul kasoo saaray dib u dhaca Doorashada Soomaaliya, Kuna baaqay hal Arrin

0

Midowga Yurub ayaa canbareeyay dib u dhaca ku yimid doorashada Soomaaliya oo lagu waday in lagu dhamaystiro 30-ka bishaan maanta 1-da ah.

Midowga Yurub ayaa shaaca ka qaaday in qorshahaasi dib u dhaca ay keeni karto shakiga laga muujin karo in aysan dhab ka ahayn saraakiisha Soomaaliya in ay waqtiga cayiman doorashada ku qabtaan.

Bayaan uu soo saaray Midowga ayaa waxaa lagu yiri “bisha dheeradka ee doorashada Somalia lagu daray ayaa mid ka hor imaanaysa dastuurka dalka iyo sharciyadda hay’adaha dowladda”.

Midowga Yurub ayaa ku baaqay inay ka doonayan madaxda Soomaaliya in doorashada hada la xiliyeeyay ay arkaan inay ku dhacdo waqtigeeda ayna noqoto mid lamid ah tii 2012-ka oo sidata cadaalad iyo dimoqraadiyad ilaa heer gobol ah.

Waxaa la filaayay in doorashada Barlamaanka ay dhacdo todobaadkii tagay balse dib ayaa loo dhigay ilaa 23-ka bishaan October iyadoo mida madaxweynena la geeyay 30-Nov