Muqdisho magaalo mugdi ah iyo Baaleyaal Badan.

0

Magaalada muqdisho oo ah caasimada dalka ayaa marka aad dhax socidi waxaad arkeysaa baalayaal tiro badan oo ku yaala hareera wadooyinka ku waaso oo sida danabka korontada hadana aan jirin wax ilays ah oo bixiyaan.

Baaleyaashaan oo ay leeyihiin shirkado ganacsi oo bixiy adeega Korontada ee gobolka ayaa umuuqda inaysan wax xil ah iska saarin sidii ay bulshada ugu faa`ideyn lahaayeen ganacsiga faa`ido- doonka ah oo ay ku dhaxwtaan.

Mugdiga muqdisho ayaa uga sii dartay kadib markii ay inta badan dameen leerarka ku shaqeeya cadceeda oo mar aan fogeyn laga hirgaliyay caasimada kuwaasoo u muuqda inay yihiin kuwo aan tayo badan laheyn oo hadana dayactir aan ka helin maamulka gobolka Banaadir.

baale

Xilliyada habeenkii marka aad dhax maraysid wadooyinka muqdisho ayaad arkeysaa nalal aan iftiin badan laheyn oo ku xiran xaafadaha iyo goobaha ganacsiga iyagoo dadka cadaadis ku aadan shidida nalalkaasi kala kulmaan maamullada dagmooyinka gobolka iyagoo ganaax lacageed oo aan lagaraneyn halka uu ku dhaco daqligaas, madaama ay ciidamada qaada lacagaha lagu shegay ganaaxa aysan bixinin warqado cadenaya bixinta ganaaxaas.

baale1

Masuul ka tirsan shirkadaha bixiya adeega korontada oo ayaa ii shegay in sababta ay uga qayb qaadan layihiin iftiinka muqdisho ay tahay in dawladda ay ka qaado lacago canshuur oo kala kadisan, islamarkaana dawladda aysan bixinin qaraashaadka ku baxa adeega korontada ee lasiiyo xarumaha dawladda, sidaas daraadeed ay dawladda masuul ka tahay ilaalinta iyo kor uqaadida bilicda magalada.

Si loo helo magaalo ifaysa ayaa aragti ahaan ku talin lahaa in shirkadaha korontada iyo maamulka gobolka iska kaashadaan sidii muqaalka muqdisho looga dhigi lahaa mid indhaha uroon.

Si loohelo iskaashi labo dhinac ah ayaan ku talin lahaa in shirkaduhu bixiyaan danabka korontada dawladuna ay bixiso qalabka korontada sida nalalka.

mugdi

Sadam Mohamed Dahir
sadaamcarab@gmail.com