Muwaadin Soomaaliyeed oo qaxooti ku ahaa jasiirada Manus oo dhagax lagu weeraray

0

Muwaadin Soomaaliyeed oo qaxooti ku ah xero ku taal jasiirada Manus oo ay dowlada Australia maamusho ayaa la weeraray lana dhaawacay sida ay sheegtay koox arrimaha aadanaha u dhaqdhaqaaqda.

Hay’ada qaxootiga ee fadhigeedu yahay magaalada Sydney ayaa dalka Australia ayaa sheegtay in Mascuud Cali Shiikh lagu weeraray dhagxaan xilli uu ku sugnaa goob basaska laga raaco magaalada East Lorengau madaxana laga dhaawacay.

Qaxooti gaaraya 800 ayaa ku jira xeryo ku yaal jasiirada Manus ee ku taal Papua New Guinea waxaana maxkamad sare ay ku sheegtay xeryahaas bishii April inay tahay mid aan dastuuri ahayn. Hay’ada u dooda xuquuqda ayaa waxa ay ugu baaqday dowlada Australia in ay sharciga horkeento dadkii ka dambeeyay dhaawaca Mascuud.

Illaa iyo hadda 24 ruux oo ku jirey xeryaha Manus ayaa dib u dejin loogu sameeyay Papua New Guinea iyadoo 560 kalana ay weli ku jiraan xeryo loo sameeyay qaxootiga waxayna sugayaan in ay dib u dejin loo sameeyo.

Dhowaan ayaa gabar Soomaaliyeed oo ku jirta xero qaxooti oo ku taal jasiirada Nauru oo ku taal meel ku dhow dalka Australia. Hase yeeshee lama oga tirada dhabta ah ee Soomaalida qaxootiga ku ah jasiiradaha dalka Australia.