Qalalaase ka dhashay dibadbaxyo ka dhan madaxweyne Maduro

0

Hal askari oo boolis ah ayaa toogasho lagu dilay tobaneeyo qof oo kalana waxaa soo gaaray dhaawacyo intii ay socdeen dibadbaxyo ka dhan ah dowladda oo ka dhacay dalka Venezuela.

Ugu yaraan 20 qof ayaa lagu dhaawacay dibedbaxyo dowladda looga soo horjeeda oo ka dhacay dalka Venezuela.

Waxaa sidoo kale la xiray dad gaaraya 39, sida laga soo xigtay koox u doodada xuquuqda aadanaha oo maxalli ah.

Sawirro muujinaya dad dhaawac ah ayaa dhexwareeganayo baraha bulshada.

Kumanaan kun oo rux ayaa isugu soo baxay dibedbaxyo looga soo horjeedo dowladda madaxweynaha Nicholas Maduro.

Arrinta ayaa timid kaddib markii la laalay dalab lagu doonayay afti xilka looga qaadi lahaa madaxweynaha.

Mucaaradka ayaa soo ururiyay ilaa 200,000 oo saxiix oo lagu dalbananay afti la dhan ah madaxweynaha.

Blase arrintan ayaa la hakiyay kaddib markii ay soo baxeen eedeymo ah in wax isdabamarin lagu sameeyay saxiix ururinta.

Baarlamaanka Venezuela ee ay u badanyihiin mucaaradka ayaa taladadii u codeeyay in dacwad lagu furo madaxweyne Maduro, iyagoo ku eedeynayo inuu ku xadgudbay dastuurka dalkaasi.