QORMO XIISO LEH:-Beesha Sade waa inay kalsoonida kala laabataa maamul ku sheegga Galmudug W/Q. Daahir Faarax Afdheere

0

Beesha Sade Daarood oo ka mid ah beelaha ugu badan ee dega gobalka Galgaduud ayaa waxaa haatan ka soo yeerayo qayla-dhaan aad weyn oo ku wajahan in lagu xad-gudbay saamigii awood qaybsiga ahaa ee ay ku lahaayeen Maamulka Galmudug.

Marka aad fiiriso Xubnaha Aqalka hoose ee Baarlammaanka ee horey Beesha Sade looga siiyay maamul ku sheegga Galmudug ayaa la oran karaa ma’aha wax Caddaalad ku dhisan, kuwaasoo aanay jirin cid ka hadashay ama laba cali oo is weydiisay.

Waxgaradka, Siyaasiinta iyo dhammaan qaybaha kale duwan ee Bulshada Sade ayaa halmar wada baraarugay, kuwaasoo aad mooddo in loo yeeriyay ama uu u dhawaaqay Firinmbi ama Seeri cod-dheer oo dareenkooda kiciyey, kadib markii Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka ama Aqalka Odayaasha lagu yiri Beesha Sade waxaa ay ku leedahay hal kursi oo kaliya.

Sadbursiga iyo Caddaalad-xumada weyn ee uu sameeyay Maamul ku sheegga Galmudug waxaa kaabaya ama dheeri gelinaya, kaalin xoog badanna ku leh, kuwo biiraqaatayaalka ah oo iyagu sheeganaya inay yihiin Masuuliyiin Beesha Sade u matala ama xilal uga haya Galmudug, maxaa yeelay marnaba kama aanay hadlin dulmiga iyo duudsiga uu maamul ku sheegga Galmudug kula kacay Beesha Sade.

Waxaa wax aad loola yaaba ah, isla markaana in la xuso mudan, in qaar ka mid ah Beesha Sade ay yiraahdeen waxaan u tartamaynaa hal kursi oo ay Beesha Sade ka heshay Aqalka Sare ee Galmudug, miyey hilmaameen Maahmaahdii Soomaaliyeed ee oranaysay:- “Soor Quureed lama qaato ee Sooryo Quureed baa la qaataa”. Waxaase ka daroo dibi dhal ah oo isku fuuqsadey, in nin ka mid ah dadkii u tartamay kursigaas uu yiri, halkii Kursi ee Aqalka Sare ee Galmudug baan ku guuleystay, waana ku faraxsanahay.

Cabdikariin Xuseen Guuleed oo haatan ku sifoobay inuu yahay shaqsi aad Caddaaladda uga fog, isla markaana ay aad ugu weyn tahay qabyaaladda, ayaa isagu xubnihii siddeedda ahaa ahaa ee Aqalka Sare ee Galmudug, waxaa uu ku qanciyay Beeshiisa oo kaliya, kadib markii uu 4 ka mid ah siiyay Habargidir iyo Duduble, kuwaasoo halbeel isku ah oo la mid ah Mareexaan iyo Facaye, isagoo u haysto in Beesha Sade ay tahay dhaxal uu ka yeeli karo sida uu doono, waxaana ay taasi sababtey in shacab weynaha Sade meel kastoo ay joogaan uu dareenkooda aad u kaco, isla markaana ay tallaabadaas ku abuurtey dhiillo weyn.

Aniga oo ka mid ah aqoonyahanada iyo qoraayaasha Soomaaliyeed, waxaan aad uga cudurdaaranayaa oo qormadaan gaaban ku xusayaa, in aqristayaasha aanay ii qaadan, inaan ahay, shaqsi ay la wayn yihiin qabillka iyo qabyaaladuba, mar haddii qormadeyda aan ku xusey arima ku taxaluqa qabiilka, hase yeeshee xaalku sidaa ma’ aha ee qaabka ay haatan Soomaaliya wax u qayb sanayso ayaa ah mid isagu qabiil ku dhisan, isla markaana ay lama huraan noqatey, in isla qaab qabiil ku dhisan loo wajaho ama looga doodo.

Haddaba Beesha Sade meel kasta oo ay joogto waxaa la gudboon in ay si wadar ah uga dhiidhiyaan Xad-gudubka ku saabsan dhinaca saamigii awood qaybsi ee Galmudug, waana inay ku dhaqaaqaan dhawr qodob oo mihiim ah:-

1). Waa in Beesha Sade Xubnaha Baarlamaanka iyo Xubnaha kale ee u metala Galmudug ama xilalka ka hayo ee uu ugu horeeyo Madaxweyne ku xigeenka, Beeshu Caddadis ku saartaa inay is casilaan ama ay soo dhiciyaan xuquuqdii ay lahayd Beesha.

2). Ninka Beesha Sade ah ee la sheegay in uu ku guuleystay halka Xubin ee Aqalka Sare, waa in ay Beeshu cadaadis ku saarto inuu is casilo, haddii kale waa in ay Beeshu caddeyso inaanu metelin.

3). Ugu dambeyntii waa in Beeshu in ay si wadar ah usoo saarto Bayaan Cad oo ay ku sheegayaan in Beesh Sade ay kalsoonidi kala laabatey maamul ku sheegga Galmudug, kaasoo waliba ay Cabasho weyn ugu gudbinayaan Beesha Caalamka, Dawladda Fedaraalka ah iyo Guudiga Doorashooyinkaba.

Daahir F. Afdheere
Email. owsame1@yahoo.com
Birmingham, United Kingdom