Safiirka Mareykanka Ee Soomaaliya oo Cabdikariin Guuleed kala hadlay Joojinta Dagaalka Gaalkacyo

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa Maanta Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Xalane kula kulmay Safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Stephen Schwartz.

Madaxweynaha Galmudug iyo Safiirka Mareykanka ee Arrimaha Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa ka wada hadlay Dagaalka Magaalada Gaalkacyo,Doorshadii ka dhacday Galmudug ee Xubnaha Aqalka sare  iyo Arrimo kale.

Safiirka Dowladda Mareykanka Stephen Schwartz ayaa Madaxweynaha Galmudug ka lahadlay Joojinta Dagaalka Gaalkacyo ee u dhexeeya Puntland Galmudug,waxaana Madaxweynaha Galmudug uu Stephen Schwartz u sheegay in Galmudug ay diyaar u tahay Nabad iyo in Gobolka lagu wada Noolaado sida uu Radio Kulmiye  u sheegay Afhayeenka Galmudug C/llaahi Xaashi Faarax.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda Mareykanka ay soo dhaweyneyso Doorashadii ka dhacday Galmudug eeXubnaha Aqalka sare lagu doortay,waxaana uu Xusay inuu dhawaan tagi doono Safiirku Caasimadda KMG Galmudug ee Cadaado.

ugu dambeyn Stephen Schwartz ayaa sheegay in Goor dhaw Mareykanka uu Saldhig ka furan doono Degaanada Galmudug si loo Xoojiyo wada-shaqeynta Mareykanka iyo Galmudug.